onsdag 22 juli 2015
torsdag 2 juli 2015
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hadashay "Soohdinta Badda"
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hadashay "Soohdinta Badda"
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war ay faafisay daqiiqado ka hor ayaa lagu beeniyay war maalmahan la isla dhex marayay.
Warku carrabka kuma dhufan, laakiin waxaa laga fahmayaa in uu ka hadlayo soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee muranka la geliyay.
Warku wuxuu sheegay:
"Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go'antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS)."
Warka waxaa lagu soo gunaanaday:
"Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay."
Halkan ka daalaco isaga oo dhammaystiran:
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Allaha unaxariisto Garaad cabdi macalin Jiisoow. Gudoomiyaha dhaqanka beesha abakar ahaay nabadoonka guud ee murusade waxaa lagu dilay gubta xili uu masaajid ka soo baxayay waxa uu u dhintay guushii mawaafaqadii uu ka dhax dhaliyay beesha gudaheeda .waxaa dilay dhagar qabayaal . raba in ay murusade gabaad ka sii dhigtaan. Allaha u naxariisto.
Prenumerera på:
Inlägg (Atom)

